Boob Dhaqaale Oo Lagu Eedeeyay Hogaanka Gobolka Benadir

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga soo Sheegaya Boob dhaqaale oo ay wadaan Hogaanka Maamulka Gobolka Benadir, kaasoo la sheegay inuu soo bilaawday 3-bilood ka hor, waxaana la sheegay in Villa Somalia ay heshiis kula tahay…

Ilo Wareedyo loo qaateen ah Ayaa tilmaamaya in Hogaanka maamulka uu Banki gaar loo leeyahay ka furay laba akoon oo cusub loona wareejiyay dhamaan dakhliga dowladda Hoose ee Xamar ka qaado dadka Muqdisho, iyadoo horey loogu shubi jiray Akoon Lambar 799 oo ahaa mid guud ee Gobolka leeyahay.

Akoonka gobalka oo ahaa mid guud, islamarkaana maamul kasta ku shaqeeya lana ogaa dhaq dhaqaaqiisa ayaa la xiray 10-kii bishii 5-aad ee sanadkaan, waxaana lagu badalay akoonada ay nambaradooda kala yihiin 31935449 iyo 31551472.

Labadaan akoon ayaa mid kamid ah waxaa lagu shubi doonaa lacagta gaadiidka BL-ka iyo lacagta gaadiidka Bajaajta ah, halka kan kalane la amray in lagu shubo lacagta ee canshuuraha sida guryaha, dad dhigista iyo waxyaabaha kale oo ay qabato dowladda Hoose.

125840cookie-checkBoob Dhaqaale Oo Lagu Eedeeyay Hogaanka Gobolka Benadir