Ilo wareedyo ku dhow Saraakiisha Amaanka ayaa sheegaya in sidoo kale la xiray Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Mr.Cabdullaahi Xaashi Cali, kadib markii amar qabasho uu soo saaray Xafiiska Xeer Ilaalinta….
Xogtaan ayaa tilmaamtay Diinah.com in Xariga Agaasimaha Guud ayaa yimid kadib markii dhowaan la xiray Agaasimaha Maaliyada ee Wasaarada Caafimaadka Eedeysane Maxamuud Maxamed Buule oo ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha, waxaana lagu eedeeyay inuu lunsaday 5-Millions US$ oo loogu tala galay la dagaalanka Cudurka saf mareenka ah ee Covid-19.
Labada Eedeysane ayaa la sheegay in dhaqaalaha Deeq ah ay leexaadeen, iyagoo ku wareejiyay Shaqsi madax ka ah Xafiisyada Forex-ka ee ka furan Magaalada Kismaayo, kaasoo la sheegay inuu u baxsaday Magaalada Nairobi.
Maamulka Farmaajo ayaa 3-sii sano u dambeysay wuxuu ku caan baxay musuqmaasuq, eex iyo boobka Hantida Shacabka, ayaa isagoo ka faa’iideysanaaya Xilka Xafiiska loo dhaariyay.
Mas’uul Sare Oo Loo Xiray Dhaca Hantida Qaranka
267000cookie-checkMas’uul Sare Oo Loo Xiray Dhaca Hantida Qaranka