Weerar Lagu Qaaday Fariisimada Ciidamada Ee Janaale

Uncategorized

Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ee ku sugan degaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose ayaa  Sheegtay iney weeraro gaadmo ah ku qaadeen fariisimada Ciidamada Dowlada ee ku sugnaa Janaale…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Is-rasaaseyntani ay ahsuf mid  kooban kana dhacay xalay  gudaha degmada  Janaale ee Gobolka Shabeellaha, waxeyna sheegteen iney ku dileen Ciidamo ka tirsanaa dowladda Federalka Somaliya.

Qoraalka Kooxda ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay afar ka tirsanaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa lagu tababaray saldhigga Turkiga ee M/Muqdisho.

Lama oga khasaaraha dhanka Al-Shabaab ka soo gaaray dagaalkaasi, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaalada ayaa haatan degan, balse ciidamada Dowlada Somalia ayaa lagu soo warramayaa inay maanta dhaq dhaqaaqyo Howlgalo cusub ka bilaabeen gobolka Sh/Hoose.

26660cookie-checkWeerar Lagu Qaaday Fariisimada Ciidamada Ee Janaale