Share the post "Mas’uuliyiinta Howlgalka AUSSOM oo lagu Eedeeyay Falal Xagjirnimo oo ay ku Taageerayaan Argagixisada.."
Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Eedeyn culus uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, u jeediyay Howlwadeeno (dad) uu ku sheegay inay yihiin ajaaniib ku sugan xerada Xalane ee Muqdisho, kuwaasoo uu eedeeyay inay faafinayaan fikradaha kooxda argagixisada shabaabka…
Wasiirka ayaa sheegay in Dadkaan qaarkood ay yihiin Saraakiil ka tirsan Hey’adaha Caalamiga ah ee ku sugan xeyndaabka xrunta AUSSOM, balse aan si dhab ah uga qeyb qaadan howlaha taageerada Somalia, sida Ciidamada Amaanka iyo Hey’adaha kale ee Dowladda, isagoo intaasi raaciyay in qeyb ka mid ah ajaaniibtaasi ay yihiin kuwo u yimid Somalia oo kaliya “mushaar doon,” iyagoo qaar ka mid ah ay baahinayaan xogaha marin habaabinta ah ee la xiriira in kooxda Shababka ay dabeecad ahaan isbedeleen.
Wasiirka ayaa sheegay in iney qorsheyneyso iney talaabo ka qaado Howlwadeenada xadgudbiyada geysta, isagoo carabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka aysan marnaba aqbali doonin in saraakiil shisheeye ah ay ku milmaan arrimaha gudaha dalka, isla markaana ay caadi ka dhigaan hadallo iyo aragtiyo wax u dhimaya qiyamka Qaranka.