Mas’uul Laba Mushaar Qaadanayay Oo La Qabtay

Somalia news

Qoraal ka soo baxay Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka, ayaa lagu shaaciyey in Mas’uul ka tirsanaa Xafiiska Madaxtooyada lagu helay inuu laba mushaar ka qaadanayey dowladda Federaalka….,

Waxaa Guddiga Qaran ee Shaqaalaha uu sheegay in Mr.Yoonis Xasan Xuseen uu laba mushaar ka qaadanayay Xafiiska Madaxtooyada oo uu horay uga howlgalayay iyo Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo uu hada ka yahay Guddoomiye ku-xigeen, taasoo ahayd sharci darro.

Guddiga ayaa Xafiiska Madaxtooyada ka dalbaday inay ka joojiyaan Mushaarka ay siiso, isagana uu hal mar bixiyo lacagtii uu ka qaadanayay Xafiiska Madaxtooyada oo gaaraya $6,352.8, kuna shubo Qasnada dowladda.

Ilo wareedyo ayaa Diinah.com u xaqiijiyay in Mr.Yoonis Xasan Xuseen inuu Xafiiska Madaxtooyada ka ahaa Agaasime Waxeed, iyadoo aan la sheegin magdhow lacageed ka sokow aan wax dembi ah oo lagu soo oogin.

38400cookie-checkMas’uul Laba Mushaar Qaadanayay Oo La Qabtay