Mas’uuliyiinta Jubbaland Oo Baasaborada..

Politics

Maamulka Farmaajo ayaa hoose u bilaabay inuu Saraakiisha Maamulka Dowlad goboleedka Jubbaland ee soo mara Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ku dhibaateeya.

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Maamulka Farmaajo uu ku amray Saraakiisha Hogaanka Socdaalka iney Baasaborada Diblomaasiga ah ka reebaan Saraakiisha Dowlad goboleedka Jubbaland, kadib dagaal dhinacyo badan socda uu kala dhaxeeyo Hogaanka Dowlad goboleedka Jubbaland.

Madaxda Jubbaland ee lagala wareegay Baasaborada Waxaa ka mid ah Wasiiro, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaasoo isku dayay sii maraan ama ka dega Garoonka Muqdisho, loona sheego in looga qaaday amar ka Mr.Farmaajo.

Xildhibaan Axmed Ismaaciil ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in Garoonka Muqdisho looga qaaday Baasaborka Diblomaasiga ah, wuxuuna u sheegay inuusan weli fahmin sababta, balse uu u maleynaayo in dagaal Siyaasadeedka u dhaxeeya Villa Somalia iyo Hogaanka Jubbaland uu saameyn ku yeeshay ficilkaan.

18020cookie-checkMas’uuliyiinta Jubbaland Oo Baasaborada..