QM Oo Baarayaasha Habka Maaliyada iyo Canshuuraha Shabaabka..

World

Golaha Amaanka ee UN-ka ayaa bilaabay baaris la xiriirta Nidaamka Maaliyada iyo habka uruurinta Canshuuraha ee Kooxda Shabaabka, sida laga soo xigtay Sarkaal sare, Gudigga Khubarada UN-ka ee Arrimaha Somalia ayaa arrintaasi daboolka kaga qaaday warbixin-sanadeedkooda 2019-kii.

Talaabadaan ayaa u muuqata mid ay joogteyneyso Howlgalada lagu bartimaameedsanaayo baacsiga iyo dabgalka Nidaamka maaliyadeed iyo habka Canshuuraha qaadistooda oo qaab jiriyen ah.

Mr.Matthew Rosbottom, xubin ka ah Gudiga Khubarada UN-ka, ayaa xusay in loo xilsaaray iney baaris iyo daba-gal lagu sameeyo goobaha ay kaga soo xaroidaan Dhaqaalaha Kooxda Shabaabka, wuxuuna Mr.Rosbottom sheegay” kharirada hanaanka canshuur qaadista ee Kooxda Shabaabka ay tahay mid aad u abaabulan muddo gaabana Dhaqaale badan ku soo xero geliyaan si ay ugu maalgeliyaan dagaalada ay ku jiraan.

Nidaamka Maaliyada Kooxda Shabaabka oo ah madax xanuunka ugu weyn ee Saraakiisha Qaramada Midoobay, Deeq-bixiyayaasha iyo Sirdoonada reer galbeedka, waxeyna carqalad ku noqotay tirtirka kooxda oo weeraro dhimasho badan sababeysa fulineysa.

Khabiirkaan ayaa hoosta ka xariiqay iney aad u sii kordhayaan khatarta Kooxda Shabaabka, wuxuuna cambaareeyay “dakhliga ay sameyso kheyraadka dabiiciga ah oo ay u dheer tahay ka ganacsiga dhuxusha iyo dhoofinta xoolaha nool ee dalalka Khaliijka.

Wuxuuna tibaaxay In Golaha Amaanka uu ka walaacsan yahay awooda Kooxda oo sii kordheysa una leedahay iney keydiso isla markaasna gudbiso kheyraadka qaab ganacsi ah, isagoo ka codsaday Dowlada Federaalka iyo Xafiisyada QM iney gacan ka geystaan baaritaanka,  Dembiyada iyo Mukhaabaraadka iney dejiyaan maxsuulka baaritaanka lagu dhawaaqay.

18050cookie-checkQM Oo Baarayaasha Habka Maaliyada iyo Canshuuraha Shabaabka..