Maxa ka Hortaagan Maamulka Puntland In Xalinta Khilaafka kala Dhaxeeya Hey’adda PSF Wada Tashi lagu Xaliyo..

Security Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya Khilaafka ka dhashay Diidmadii Mr.Dani uu ku hor istaagay Dhaawacya Xoogaga Amaanka ee Hey’adda PSF ee Puntland lagu soo daaweeyo Mogadushu iyo Dalka Dibediisa, is-hortaagan ayaa sababay in garoonka diyaaradaha Boosaaso uu xirmo, shalayna ay baaqdeen Diyaaradihii Ethiopian Airlines iyo Daallo, Xaaladdan ayaa kor u qaadaysa welwelka laga qabo dagaaladii dhiiga badan ku daatay oo mar kale ka dhici kara Boosaaso, taasoo Shacbiga soo xusuusinaysa qaxii 2021…

Khilaafka labada Daraf Si kastaba ha ahaatee, Dadka dhaliilsan ayaa hadda ku eedeynaya Mr.Dani inuu wado qalqal siyaasadeed iyo mid amni, isagoo isku dayay inuu hub ka dhigis ku sameeyo Xoogaga PSF, wuxuuna gacan ka helay Xoogaga PMPF oo ay maalgeliyaan UAE iyo Maleeshiyo Beeleedyo laga soo uruuriyay Beelaha Garoowe iyo Waqooyiga Gaalkacy, Waxaa xusid mudan in PSF-ta iyo PMPF-ta labaduba ay yihiin Hay’ado amni oo aan sharciyad ku dhisneyn, ayna dhisteen Maamuladii hore ee Puntland, iyagoo aan ku dhaqmin Dastuurka Dowlada Federaalka.

Taariikh ahaan, Maamuladii soo maray Puntland waxay guud ahaan ku dadaaleen iney ilaaliyasn xiriirka wada shaqayneed ee ay la soo yeesheen Hogaanka PSF, ayaan darrase Mr.Deni oo lagu tiriyo inuu macan-gag aan talo qaadan talo xumadiisa ay horseeyday inuu dagaal ku qaado Xarunta dhexe ee Hey’ada iskuna dayo inuu xoog ku muquuniyo, Xeeldheerayaasha ayaa ku taliyay in Guud ahaan Maamulka Hey’adagaan Dib-u-habayn lagu sameeyo lana hoos geeyo Dowlada Federaalka.

Talabaadaan ayaa waxay u baahan tahay in la-tashi qoto-dheer laga yeesho, laakiin nidaamka siyaasadeed ee Puntland ma fududeeyo daahfurnaan, Mr.Deni ayaan wax wada tashi ah oo ku saabsan Hay’adaha amniga la gelin Xisbiyada Siyaasadda, Odayaasha Dhaqanka, Golayaasha Degaanka & Dowlada Federaalka, waxeyna tani horseedi kartaa inuu mar kale magaalada Dagaal ka dhacaan Shacbiga la qixiyo.

343420cookie-checkMaxa ka Hortaagan Maamulka Puntland In Xalinta Khilaafka kala Dhaxeeya Hey’adda PSF Wada Tashi lagu Xaliyo..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *