Ma Dhabaa in Khilaaf & Kala Shaki soo Kala dhex Galay Abiy & Muuse Biixi…

Africa News Somalia news

Ilo wareedyo aan lagu kalsoonan karin ayaa sheegaya in Khikaaf iyo kala shaki uu soo kala dhex galay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia iyo Horjoogaha Maamulka Gooni goosadka Waqooyiga Somalia Muuse Biixi, Iyadoo Kala shakigaan uu yimid kadib markii Shuruud ay ku xireen Maamulka Hargeysa hirgelinta MOU…

Wararka syaa sheegay in Wafdi isugu jira Saraakiil Ka tirsan Ciidamada Badda iyo kuwa Wasaarada Gaashandhigga ay si qarsoodi ah ku tageen magaalada Hargeysa ayna weydisteen Maamulka Somaliland in la geeyo Degmada Lughaya si ay u kormeeraan Xeebta, waxaana la sheegay in shuruud lagu xiray in la aqoonsado marka hore.

Saraakiishaan ayaa Addis abeba ku noqday iyagoo aan gaarin hadafkii ay u tageen Magaalada Hargeysa, Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Abiy uu amray in la xiro Xarumihii Dahabshiil ee Addis abeba iyo magaalada Jigjiga sababo la xiriiriyay xiriirka soo xumaaday inkastoo aan la xaqiijin jiritaanka Warkaan dambe, Balse Ethiopia ayaa haatan dooneysa iney wanaajiso Xiriirka kala dhaxeeya Somalia.

303470cookie-checkMa Dhabaa in Khilaaf & Kala Shaki soo Kala dhex Galay Abiy & Muuse Biixi…