Howlgal Amaan Oo Laga Fuliyay Kismaayo

Somalia news

Howlgal ayaa Xoogaga Amaanka ka fuliyeen xaafadaha iyo wadooyinka Kismaayo, iyadoo lagu soo qabqabtay ku dhawaad 200 oo gaadiidka dadweynaha ah gaar ahaan tagaasida isla markaana lagu xareeyay qaybta Booliska gobolka Jubbada Hoose….

Gaadiidkaan la soo qabtay ayaa loo heystaa in aysan marin nidaamka ay maraan Gawaarida loogu talagalay in laga dhigo tagaasida taasina ay keentay in Ciidanka Boliiska iyo Wasaaradda Gaadiidka Jubbaland ay iska kaashadaan fulinta Howlgalkaan.

Mr.Warsame Axmed Geele Madaxa saldhiga Boliiska Degmada Kismaayo ayaa sheegay in Tagaasida maalmahaan dambe ay amniga lid ku noqdeen, Waxaa suuqa soo galay Baabuur Tagaasi ah ay leeyihiin dad shaqsiyaad ah oo aan Wasaarada Gaadiidka ka diiwaan gashaneyn” ayuu yiri.

68690cookie-checkHowlgal Amaan Oo Laga Fuliyay Kismaayo