Maxaa Dhaliyay Shaqaaqada Dhuusa Mareeb Ku Dhex Martay Ilaalada 2-Musharax

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa shaqaaqo (gacan-ka-Hadal) ka dhex dhalatay Ilaalada Musharixiinta Cabdiraxmaan Cabsishakuur iyo Eedeysane Cabdullahi Kulane (Jiis-Mareexaan) taasoo xalay fiidkii ka dhacay gudaha magalaada, khalkhalna gelisay Amaanka…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in xiisadani ay ka bilaabatay kadib markii qaar ka mid ah Ilaalada Jiis-mareexaan ay dhaceen tiro Telephone Mobile ah, isla markaasna u carareen guriga uu degan yahay Kulane jiis, waxaana ka daba tagay qaar ja mid ah ilaalada Musharax Cabdiraxmaan, iyadoo ay halkaasi is-rasaaseyn kooban ku dhex martay.

Magaalada Dhuusa mareeb ayaa xiligaan waxaa ku sugan Musharaxiin badan kuwaasoo aad u hubeysan, taasoo xaalada amaan ee magaalada ka dhigtay mid cabsi ah, iyadoo la filan karo isku dhacyo hubeysan dhinacyadaan iska soo horjeeda, inkastoo uu Maamulku soo saaray digniino amaan.

168360cookie-checkMaxaa Dhaliyay Shaqaaqada Dhuusa Mareeb Ku Dhex Martay Ilaalada 2-Musharax