Dani Oo Dib Ugu Laabanaaya Degaanada Puntland

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee da Kenya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mr.Saciid Dani lagu wado inuu dib ugu soo magaalada Garoowe kadib todobaadyo uu safar ugu magaalada Nairobi…

Wata ayaa sheegay in maanta ayaa la sheegayaa inuu kusoo laaban doono Dalka Madaxweyne Deni, Todobaadyo uu ku maqnaa Dibada oo aysan Saxaafadu waxba kala socon socdaalkiisa, marka laga reebo xogo hordhac ah oo laga helay inuu heshiis isbaheysi la gaaray Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale soo laabashada Saciid Dani waxay kusoo aadaysaa, iyadoo Puntland ay ka jiraan arimo cakiran oo u baahan xal deg deg ah waxaana ka mid ah:-

-Xalinta dhacdooyinkii dagaalkii Boosaaso.

-Wax ka qabashada Abaarta oo aysan Maamulka gacan ah ka geysan.

-Dhismaha Golayaasha Degmooyinka Sadexda ah ee la doortay.

-Dardar gelinta & Dhamaystirka Doorashada Xildhibaanada Federaalka oo muddo hakad ku jirtay.

Jibril Qoobey.

168290cookie-checkDani Oo Dib Ugu Laabanaaya Degaanada Puntland