Ma Dhabaa in Madaxweynaha uu Kormeer ku tegaayo Xarunta NISA Iyo Xogta Ka Dambeysa..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Federaalka maanta lagu wado inuu kormeer ku tago Xarunta Hey’adda NISA, iyadoo si gaar ah Warbixin hordhac ah looga siin doono Saraakiisha u xiran Qaraxii ka dhacay Kuliyada Ciidamada..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in baarista Kiiska weerarka ka dhacay Kuliyada Ciidamada loo xiray 4-Sarkaal uu ku jiro G/Sare oo ka soo jeeda Beesha Fahad Yaasiin, Inkastoo aynaan helin magacyada Saraakiisha, hadana xogta aanu heleyno ayaa xaqiijineysa in sidoo kale qaraxaasi loo xiray in ka badan 10-askari oo maalintaasi Ilaalinta xerada u xil saarnaa xilliga weerarku dhacayay.

Iyadoo Dhamaan Eedeysanayaasha loo wareejiyay Xarunta Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, halkaasoo su’aalo lahu waydinayo, Waxaase aad loola yaabay in Madaxweynaha, Wasiirka 1-aad, Wasiirada Gashandhiga, Amniga iyo Taliyayaashaaysa Ciidamada xitaa ka tacsiyadeynin iska dhaaf iney Isbitaalada ku booqdaan Dhaawacyada.

Dhanka kale ilo wargal ah ayaa tilmaamaaya iney xowli ku socdaan howlgallada qarsoodiga ah ee lagu burburinayo Ciidamada Coogga Dalka, ayaa waxaa cirka isku sii shareeray xiisadda ka dhex aloosan Kooxda Demu jadiid iyo Xisbiga Daljir, kadib markii ay soo wajahday cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dowlado Carbeed kuwaasoo culeys ku saaray in la kala diro cutubyo ka tirsan ciidamada uu tababaray Dalka Eritrea.

268830cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha uu Kormeer ku tegaayo Xarunta NISA Iyo Xogta Ka Dambeysa..