Maxaa Dowlada Ka Hortaagan iney Xakameyso Raashinka & Daawada Tayadoodu Hooseyso ee Dalka la Keeno…

Food Health Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa in Suuqyada Magaalada Mogadishu iyo kuwa Gobolada ay sanadihii ugu dambeeyay la soo geliyay Raashin iyo Daawooyin tayadoodu hooseyso, iyadoo ay ka dhasheen cudduro badan oo Dalka ku cusub, Dowladuna lagu eedeeyay iney ka gaabisay Xakameyntooda…

Wararka ayaa sheegaya in baaritaano la sameeyay ayaa xaqiijinaaya in tayada Rashinka sida Burka (Mumtaz) ee 25kg oo laga soo dhoofiyo Dalka Turkiga la xaqiijiyay in xadiga Qamadiga ku jiro Qiyaastii uusan ka badno 30%, inta kale waa dambas kiimikaad ah oo la mala awaalay, Burkaan qiimaha lagu soo iibiyo uu u dhaxeeyo 8-12 US$, halka noociisa lagu iibiyo Dalka Turkiga uu gaarayo 29-US$, iyadoo labada nooc ay hal Warahad farsameyso.

Ku darsoo waxaa kaloo aad looga qeyliyay Nooca Baastada Badria oo si been abuur ah loogu farsameeyo Dalka Turkiga laguna qoro (Italian Quality), Waxaana la xaqiijiyay in Qamadi tayadiisu hooseyso laga farsameeyo ayna Dalbadeen Ganacsatada Somalidu, iyadoo sidoo kale nooco badan oo Caan booraha Dalka la soo geliyo tayadooduna ay liidato iyo noocyo badan oo Saliida Raashinka lagu kariyo.

Waxaa kaloo qeylo dhaan laga keenay Noocyo been abuur ah oo daawooyin iyo Sigaar ah sida Marlaboro iyo kuwo kale oo lagu farsameeyo Dalalka India, Pakistan iyo UAE, hadaba Dowlada Federaalka, Hey’ada Tayo dhowrka iyo Wasaaradaha Caafimaadka iyo Ganacsiga iney dib u baaris adag lagu sameeyo Raashinka, Daawooyinka iyo Sigaarka sida Shacbiga looga badbaadiyo Ganacsatada xaaraanta ku naaxday.

331610cookie-checkMaxaa Dowlada Ka Hortaagan iney Xakameyso Raashinka & Daawada Tayadoodu Hooseyso ee Dalka la Keeno…