Shaqo Joojin Lagu Sameeyay Gudoomiyihii Degmada Afgooye

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa amar ay soo saartay Wasaarada arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo shaqada kaga joojisay Guddoomiyaha Degmada Afgooye Abuukar Maxamed Cumar, kadib markii lagu eedeeyay Amar-diido iyo ku takrifal awoodeed…

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maxaad Maxamed Ciise, ayaa lagu xusay sababta shaqada looga joojiyay ay tahay kadib markii uu soo saaray Magacaabis sharci darro ah kuna dhaqmay ku takrifal awoodeed iyo iska horkeen Maamulka dhexdiisa ah.

Guddoomiyihii degmada Afgooye ee Shaqa joojinta lagu sameeyay ayaa dhawaan Maamul Cusub u Magacaabay shalayna xilalka u kala wareejiyay Maamulkii degaanka Jasiira, taas oo ay kasoo horjeesteen Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed.

192540cookie-checkShaqo Joojin Lagu Sameeyay Gudoomiyihii Degmada Afgooye
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com