Xogtii Ugu Dambeysay Kulamada Wada Tashiga

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay ilo xogogaal ah ayaa Diinah.com news u sheegay in Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa qorsheynaya iney soo gaaraan magaalada Muqdisho bilowga todobaadka soo socda si ay uga qeyb galaan Kulan balaaran oo lagu falanqeynaayo arrimaha Doorshada ayna ka soo qeyb galayaan Dowlada Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Wakiilkada Beesha Caalamka..

Wararka qaar ayaa sheegaya intii uu socday Kulanka Mr.Saciid Dani iyo Axmed Madoobe ayaa waxaa xiriiro la soo sameeyay Wakiilada Beesha Caalamka, iyagoo cadaadis ku saaray in ay mar kale wada-xaajood bilaabaan, si loo dhammeeyo tabashada ay ka qabaan heshiiskii Dhuusamareeb-3, waxaana lagu heshiiyay in Kulan kale lagu qabto xarnta Xalane 1-da Sep-2020, si loo bilaabo wada-xaajoodka Arrimaha Doorashada 2020/2021.

Mr.Deni iyo Sheekh Axmed Madoobe, ayaa lagu wadaa iney Xerada Xalane kulan gaar ah kula qaadan doonaan Safiirka Maraykanka Donald Yamamoto sidoo kale waxa xigi doona kulan u dhexeeya iyaga iyo Farmaajo, kaasoo diiradda lagu saari doono tabashada Puntland iyo Jubbaland.

Kulamadaas kadib, waxaa Muqdisho si rasmiya uga furmi doona shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo lagu turxaan-bixin doono heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo Puntland iyo Jubbaland ka maqnaayeen.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu ku laabto Kismaayo, ka hor inta uusan todobaadka soo socda booqashada ku imaan magaalada Muqdisho, waxaana arrintan oo dhan ay ka dhalatay cadaadis xooggan oo Deni iyo Axmed Madoobe ka soo wajahay wakiilada beesha caalamka ka dib markii ay diideen ka qeyb galka shirkii Dhuusamareeb 3.

57050cookie-checkXogtii Ugu Dambeysay Kulamada Wada Tashiga