Maxaa Hortaagan In Diyaaradaha Ka Yimaada Dubai Ay Ku Degaan Hargeysa

Somalia news

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray Warar badan oo hareeyay Tagitaanka Doyaaradaha Fly Dubai iyo Air Arabia ee Magaalada Hargeysa oo muddo ka badan 20-bilood la joojiyay iney ka degaan magaalada Hargeysa, sababo badan oo is biirsaday dartood..

Ilo Wareedyo Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Sababaha Diyaaradahaan loo joojiyay ay aheyd Cudurka safmareenka ah Ee Coronavirus, kadib markii Hey’adda saadaasha Hawada Somalia ay xirtay Muddo kooban Hawada Dalka, wuxuu ka dambeeyay waxaa la sheegay in Khilaaf u soo kala dhex galay Maareeyaha Laanta Hawada Hargeysa uu soo saaray Shuruudo ay dib uga howlgeli karaan Diyaaradaha kor ku xusan.

Wuxuu sheegay in Duulimaadyada Diyaaradaha Flydubai iyo Air Arabia ay bilaabi doonaan 1-da Bisha & 10 September Sanadkaan, iyadoo ka sheegay in Maamulka Hargeysa uu shuruudo adag ku xiray dib u bilaabida duulimaadyada Diyaaradaha Ee Magaalada Hargeysa, waxeyna hor dhigeen iney heshiis laba geesood ah wada galaan iyo shirkadaha oo ka biyo diiday.

Dhanka kale Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Dowladda Federaalka ayaa beenisay iney hortaagan tahay Dib u bilaabista Duulimaadyada Dubai-Hargeysa, waxey sheegtay inuusan jirin amar ka soo baxay Wasaarada iyo Maamulka Hawada oo lagu joojiyay Duulimaadyada.

136540cookie-checkMaxaa Hortaagan In Diyaaradaha Ka Yimaada Dubai Ay Ku Degaan Hargeysa