Xariga Wariye Coldoon & Wararka Ku Gedaaman Hey’adda Waxbarashada Abaarso

Somalia news

Warbixino welwel xambaarsan ayaa laga soo sheegaya Hey’adda maamusha Dugsiga Waxbarashada Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo, iyagoo lagu Eedeeyay Hey’adda Maamusha Dugsiga iyo Jaamacada iney faafiyaan ku dhaqanka Diinta Masiixiga Talaabadaan oo ka hor imaaneysa Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Suuban Ee Somalia…

Xiisadaan ayaa soo bilaabatay 17-kii Bishaan markii Madaxweynaha Maamulka Somaliland uu khudbad ka jeediyay Xarunta Jaamacada, isagoo difaacay Howlaha Hey’adda Ee Waxbarashada iyo Dhaqanka, wuxuuna ku eedeeyay Dadka diidan iney dano gaar ah ka leeyihiin, isagoo sheegay inuu baaris iyo hubinba ku sameeyay.

18-Bishaan ayaa Wariye iyo Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon uu soo dhigay Bartiisa Bulshada cod muqaal ah oo uu soo duubay isagoo eray ku naqdiyay khudbadii Muuse Biixi, talaabadaan oo horseeday in xabsiga Magaalada Hargeysa lagu xiro Wariyaha, isagoo laga soo qabtay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Xiisadaan ayaa waxaa soo fara geliyay Culimada Magaalada Hargeysa iyagoo shalay khudbadihii Saalada Jimcaha kaga faalooday Wararka Dugsiga Abaarso iyo Jaamacada Barwaaqo, waxeyna dhaleeceyn xoogan u jeediyeen Maamulka Muuse Biixi iyo Xariga sharci darrada ah ee loo geystay Wariye Coldoon.

Hadaba Maxaa Dhacay:-

Shalay Galab Waxaa si lama filan ah Magaalada Hargeysa uga dhooftay Haweeneyda Joy Isa oo ah Guddoomiyaha Jaamacada Barwaaqo, Gabadhaan oo ah Mas’uul ka tirsan Kiniisada Elevation Church ee dalka Nigeria, kadib markii xogaha la xiriira si weyn loogu falanqeeyay baraha bulshada 48 saac ee u dambeeyay, Lama oga in ay soo laaban doonto iyo in kale, maadaama oo aanay shaacin iney iska casishay xilka guddoomiyenimo ee jaamacada.

136570cookie-checkXariga Wariye Coldoon & Wararka Ku Gedaaman Hey’adda Waxbarashada Abaarso