Maxaa Ka Hortaagan Hey’adaha Amaanka iney Xakameeyaan Hoobiyayaaaha Caasimada Khalkhalka ku haya

Uncategorized

Labadii Maalmood ee ugu dambeeyay waxaa lagu weeraray tiro Hoobiyayaal ah kuwaasoo ku kala dhacay Xaafadaha ku dhow Garoonka Diyaaradaha iyo Xarunta Madaxtooyada, waxeyna geysteen khasaare isugu jira burbur iyo khalkhal Dadweynaha ku nool degaanadaasi..

Xuuraanada ayaa tilmaamaya in shalay ilaa 3-Hoobiyayaal ah ay ku kala dhaceen  xaafado ka kala tirsan Degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley, waxaana wararka tilmaamayaan in ilaa 3-Qof ay ku dhaawacmeen, 2-Qof oo midi Haween tahay ayaa guri ku yaal Degmada Boondheere ku dgaawacyay halka Degmada Wardhiigley uu Nin Hilibka iibiya uu dgaawac ka soo gaaray Firirka Hoobiyaha.

Wararka ayaa sheegaya in Saakay Hoobiyayaal ay ku dhaceen Xaafadaha ku dhow Garoonka Diyaaradaha inkastoo uusan geysan wax khasaare ah, Howlwadeenada Amaanka ayaa xaqiijiyeen iney goob cidlo ah ku dhaceen Hoobiyayaashasi, waxeyna intaasi raaciyeen in Falalkaani ay yihiin kuwo lagu khalkhal gelinaayo Amaanka Caasimada, iyagoo intaasi raaciyay iney wadaan baaritaano.

Hogaanka Faahilmay ee Villa Somalia ayaa safaro ku tagay Dalalka Djibouti iyo Uganda, inkastoo aan la ogeyn ujeedada Safarada Madaxweynaha, hadana Khubaro ayaa ku tilmaameen in xiligaan adag ee muddo xilieedkiisu dhamaadka yahay looga baahnaa inuu xooga saaro sidii Kooxaha argagixisada looga ciribtiri lahaa Gobolada Shabeelooyinka, balse ayaan darro wakhtigiisa ku lumiyo safaro asn Dalka dan ugu jirin.

366820cookie-checkMaxaa Ka Hortaagan Hey’adaha Amaanka iney Xakameeyaan Hoobiyayaaaha Caasimada Khalkhalka ku haya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *