Kulamada Asmara Iyo Isbaheysiga Bugta ah..

Uncategorized

Magaalada Asmara waxaa ku kulansan muddo dhowr maalmood ah Madaxda Somalia, Eritrea iyo Ethiopia, shirkan ayaa waxaa lagu lafa guray Qodobo xasaasi ah  oo ay ka mid tahay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka, Iskaashiga Ciidamada iyo Is-dhexgalka Bulshada 3-dal, iyadoo M.Afewerki uu xoogga saaray sidii Mr.Farmaajo uu u soo afjari lahaa xiriirka kala dhexeeya dowladdiisa dalka Qatar.

Farmaajo iyo Afawerki ayaa ka hor shirkan waxaa ay ka wada hadleen isla arrintan mar uu Farmaajo ku tegay Asmara booqasho aan la shaacin 10-kii Janaayo, waxaana ay isku afgarteen labada dhinac in Abiye Axmed uu goob joog iyo markhaati ka ahaado heshiiska labada Madaxweyne, waana midda keentay in uu dhaco shirkan 27, Janaayo 2020.

Dood dheer kaddib waxaa Farmaajo lagu qanciyay in laga caawin doono doorashada 2021, iyo in Itoobiya iyo Eriteriya ay gacan ka geysan doonaan sidii Jubbaland looga saari lahaa Axmed Madoobe, balse waxay shuruud uga dhigeen laba arrin taasoo markii danbe uu Farmaajo ogolaad

In Soomaaliya ay xiriirka u gooyso dalka Qatar & Turkig

-In sida ugu dhaqsaha badan uu Farmaajo uga tanaasulo xiriirka Fahad Yasin.

-Fahad Yasin oo xiliyadaan dambe u muuqday inuu Go’doon yahay ayaa qaaday talaabooyin ay ka mid yihiin Burburinta Baalayaashii Cctv-ga, iyo Baxsashada Wasiir Janan oo su’aalo badan dhaliyay.Waxaa sidoo kale  loo xaqiijiyay in Fahad Yasin iyo Cabdirashid Janan ay qadka telefoonka kuwada hadlayeen tan iyo fiidnamadii uu xabsiga ka saaray waxaana horay u raacay Cabdirashid Janan afar ka mid ah ilaaladii la joogtay guriga lagu hayo.

Diinah.com ayaa loo tabiyay in Fahad Yasin tan iyo markii la ogaaday in Cabdirashid Janan uu si dadban u helay xoriyaddiisa uu qadka telefoonka ku raadinayay Axmed Madoobe in uu la hadlo balse uu Axmed Madoobe diiday in telefon kula hadlo Fahad Yasin, wuxuuna fartiin ugu sheegay haddii uu rabo wada hadal in uu yimaado Kismaayo.

14410cookie-checkKulamada Asmara Iyo Isbaheysiga Bugta ah..