Maxaa Ka Run ah In Qiimaha Birr Ethiopia uu Hoos u Dhac weyn ku Yimid & Sababaha

Africa News Economie

Taariikhda sooyaalka Qiimaha Lacagta Birr ee Ethiopia ayaa 70-kii sano ee lasoo dhaafay soo maray marxalo kala duwan, iyadoo Xiligii Xeyle Salaasee Sarifka US$ vs Ethiopian Birr u ahaa 1$=2-Birr, Halka Xiligii Mengistu uu soo noqday 1-US$ ilaa 7-Birr, Sanadkii 2014-kii ayaa lagu amray in Birr Ethiopia lagu sarifo 1-$ 19 Birr…

Sanadkii 2019-kii ayuu 1-US$ noqday in lagu sarifo 30-Birr, Sanadkaan 2024-ka ayaa Hey’adaha IMF iyo World Bank waxey culeys ku saareen Maamulka (Abiy) Oromada in lacagta Birr Ethiopia la qiimo jebiyo oo la gaarsiiyo 1-US$=95 Ethiopian Birr, iyadoo Suuqyada Madow ee Dalkaasi lacagaha lagu sarifo uu gaaray Halkii $ 130-150 Ethiopian Birr, waxaana la saadaalinayaa in dhamaadka Sanadkaan uu gaari doono 300-Birr.

Ethiopia ayaa waxay ku khasaarisay 10-Billions oo lacag adag ah dagaaladii sokeeye si toos ah Dalkaasi ka dhacay sanadihii ugu dambeeyay, (soo iibsashada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo Taangiyo iyo Nadaafiicda Goobta) iyo ku darsoo si dadban (wax soo saar la’aan ah oo Amxaaro iyo Tigrey ah sidaas darteed khabiir ma lahayn, Hagaajinta qaab dhismeedka IMF marnaba ma caawin dalalka saboolka ah. Balse waa hab lagu sii daayo saboolnimada iyo kuwa lagu tuntay.

337440cookie-checkMaxaa Ka Run ah In Qiimaha Birr Ethiopia uu Hoos u Dhac weyn ku Yimid & Sababaha