Qaraxyo Lagu Burburiyay Xarun Isgaarsiineed Ee Dalka Kenya

Africa News Somalia news

Wararka ka imaanaya degmada Rhamu ee ismaamulka Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Argagixisada Shabaabka ayaa waxey weerar ay ku qaadeen degmadaasi iyagoo ku burburiyay xarun Isgaarsiineed oo ku taala degmadaasi…

Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga dalka Kenya ayaa sheegay iney maqleen jug xoogan oo ka dhaceysay degaanka Kawaanka, hayeeshee markii dambe ay ogaadeen in jugta ay aheyd mid lagu burburinaayay xarun Isgaarsiineed oo ay leedahay Shirkada Safaricom oo ku taalay deegaankaasi.

Wararka waxay intaasi raaciyeen in iska hor imaad kooban uu dhexmaray Kooxda hubeysan ee Shabaabka iyo xubno ka mid ahaa ilaaladii xarunta la weeraray, hayeeshee aanan la ogeyn khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka dhexmaray.

196640cookie-checkQaraxyo Lagu Burburiyay Xarun Isgaarsiineed Ee Dalka Kenya
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com