Dowladda Asmara oo lagu Eedeyay iney Khalkhal Gelineyso Xasiloonida & Amaanka Djibouti

Africa News Somalia news

Sida lagu qeexay Warbixin ay soo diyaariyeen Hey’adaha Sirdoonka Mareykanka, Dalka Eritrea ayaa muddo ku guda jiray qorshe guracan oo ay ku doonayaan iney ku khalkhal geliyaan Amaanka iyo xasiloonida Dowlada Djibouti, waxeyna doonayaan iney Afgambiyaan…

Wararka ayaa sheegay in Dowlada Asmara ay tababaro u furtay Dhalinyaro ka soo jeeda Beesha Cafarta, kuwaasoo tiradoodu lagu sheegay xiligaan 17-Kun, waxaana loogu tala galay iney afgambiyaan Dowladda Djibouti iyo qeybo ka mid ah (Adeytu, Garbo-ciise iyo Undufo ee Dhulka Soomaalida Ethiopia, iyadoo Maleeshiyaadkaan qaar ja mid ah ay dagaalo dhimasho badan & barakac baahsan ka geysteen Degaanada Kilinka Somalida Ethiopia.

Qorshahaan ayaa soo bilaawday 24-kii July 2021-kii, iyadoo Maleeshiyaadkaasi (Cafarta) ay ku xasuuqeen 500-qof oo isugu jira Wayeel, Caruur iyo Haween, kafib markii ay weerareen degaanka Garbo-Ciise, weerarkaan ayaa xiligaasi la sheegay iney heshiis ku ahaayeen Abiy Axmed (Ethiopia, Afawerki (Eritrea) & Farmaajo (Somalia), si loo khalkhal geliyo Amaanka Dalka Djibouti isla markaasna ay Qaxooti badan oo Beesha Ciisaha u qaxeen Dalkaadi,

230220cookie-checkDowladda Asmara oo lagu Eedeyay iney Khalkhal Gelineyso Xasiloonida & Amaanka Djibouti