Maxaa Kaaga Baxay Qaab-dhismedkaGolayaasha Shabaabka

Politics

Macluumaad laga helay ayaa tilmaamaya in isbedelo badan lagu sameeyay qaab dhismeedka iyo Xubnaha Golayaasha Kooxda Shababka oo muddo ku dhowaad 18-sano dhiibaatooyin ku haya Shacbiga ku nool Puntland, Gobolada Dhexe, Jubooyinka iyo Bay iyo Bakool…

Qeybahaan oo loogu magaca dhaba Golayaasha Fulinta iyo Shuurada, waxeyna ka kooban yihiin 16-Horjooge oo mid walba uu u xil saaran 
Golaha Fulinta:-

1-Xafiiska Hogaanka Sare Waxaa Horjooge u ah Axmed Diiriye Beesha Dir ka soo jeeda  Waxaana kaaliye u ah 16-xubnood.

2-Xafiiska Wilaayaadka Waxaa Horjooge u ah Daahir Gacamey oo Beesha Duduble ah.

3-Xafiiska Amniyaadka Waxaa Horjooge u ah Maxamed Cabdullaahi Oo Beesha Murusade ah.

4-Xafiiska Jabhadaha (Maleeshiyaadka) waxaa Horjooge u ah Cabdullaahi Garweyne alias (Sheekh Abuukar) Beesha Gaaljecel kuxigeenkiisa Macallin Cusmaan Oo Mareexaan ah.

5-Xafiiska Maaliyada iyo Dhaqaalaha waxaa Horjooge u ah Cabdikariim Horseed oo Murusade ah.

6-Xafiiska Xisbada waxaa Horjooge u ah Yuusuf Jiis (Dhintay) oo Beesha Raxanweyn oo Liway ah.

7-Xafiiska Dacwada Waxa Horjooge u ah Nadiir alias Cabdullaahi Yariisow oo Beesha Dir ah.

8-Xafiiska Tababarka Maleeshiyaadka Waxaa Horjooge u ah Suheyb dheere oo Murusade ah.

9-Xafiiska Warbaahinta waxaa Horjooge u ah Cabdullaahi Cusmaan Dhegacadde alias Ismaaciil Injineer) oo Beesha Xawaadle ah.

10- Xafiiska Diyaarinta Qaraxyada waxaa Horjooge u ah Ismaaciil, Waxaa Kuxigeen u ah Horjooge Axmed Gurey Oo USA u dhashay.

11-Xafiiska Xog-uruurinta waxaa Horjooge u ah Ikhlaas (Dhintay??) oo Beesha Ceyr ah.

12-Xafiiska Caafimaadka waxaa madax ka ah Yuusuf Buurfuule oo Beesha Mareexaan ah.

13-Xafiiska Caafimaadka Maleeshiyaadka Waxaa Horjooge u ah Cali Rooti oo Ceyr ah.

14- Xafiiska Tacliinta Waxaa Horjooge u ah Horjooge Cali Dheere oo Murusade ah, waxaa kuxigeen u ah Horjooge Abuu Salma oo Beesha Reer aw-Xaman.

15-Xafiiska Siyaasada Waxaa Horjooge u ah Xuseen Cali Fiidow Oo Murusade ah.

16-Xafiiska Ajaaniibta dagaalanta waxaa Horjooge u ah Horjooge Salmaan Muhaajir oo Kenya u dhashay, wuxuuse hoos taga Horjooge Axmed Gurey Magaciisa saxda ah Jihaad Sarmaan oo Caddaan Mareykan ah.

Golaha Shuurada

-Axmed Diiriye Horjoogaha Guud.

-Mahad Qaley (Karatee) Kuxigeenka.

-Bashiir Qoorgaab (Dhintay).

-Cabdullaahi Yariis-Cabdalla/Abuukar Garweyne.

-Daahir Gacamey.

-Cali Dheere.

-Cabdikariim Horseed.

-Ismaaciil Injineer.

MMNuur Alisa Suldaan.

-Cali Rooti.

-Maxamed Cabdullaahi.

-Yaasir Jiis (Dhintay).

-Maxamed Mire-Axmdey.

-Jihaad Mustafe (Axmed Gurey

-Xuseen Cali Fiidow (Xuseen dayniile).

27490cookie-checkMaxaa Kaaga Baxay Qaab-dhismedkaGolayaasha Shabaabka