Kulankii Mudulood Oo Dib Loo Dhigay

Politics

Iimaam Maxamed Yuusuf oo ah Imaamka beelaha Mudulood ayaa ku dhowaaqay in dib loo dhigey Shirweynaha Beelaha Mudulood sababo la xiriira cudurka Coronaviruska….

Shir jaraa’id oo uu goor dhow ku qabtay Muqdisho Iimaamka ayaa sheegay in guddiga qabanqaabada shirweynahan ay isla garteen in dib loogu dhigo kulanka illaa iyo 13ka bisha June ee sanadkan 2020.

“Bisha Soonfur 23kiisa haddaan cudur jirin ayaan dooneynaa in la qabto shirka waqtigaas ayaana u cayinay sidaas ha ogaadaan dadka ka qeybgali lahaa ee dalka iyo dibadiisaba jooga.”ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay diintooda u dhowaadaan oo ay alle ka cabsi la yimaadaan,isla markaana la joojiyo dagaalada ka dhacaya dalka.

Dhamaadkii bishii Febraayo ee sanadkan ayaa shirweyne ay isugu yimaadeen dhaqanka,siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Mudulood waxa ay isku raaceen in la qabto shirweyne guud oo ay beesha Mudulood isugu yimaadaan.

27530cookie-checkKulankii Mudulood Oo Dib Loo Dhigay