Maxaa Kordhiyay Bishaan May Iskuyo Dilalka Madax Dal & Cidda Lagu Tuhmaayo iney ka Dambeeyaan..

World

Warbixin Sirdoon oo welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogaaya in bishaan May 2024-ta ay dhaceen tiro badan oo isku dayo dil iyo Dilal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday Hogaamiyayaal Madax ka ah Dalalka kala gedisan kuwaasoo la xaqiijiyay iney ka aragti duwanaayeen Maamulka Washington & Israel…

Xuuraan Sirdoon ayaa daaha ka rogaaya in 7-dii Bishaan May la isku dayay in la khaarijiyo Dhaxal-suga Sacuudiga Maxamed bin Salmaan, halka isku day Afgambi uu ka badbaaday Madaxwynaha Turkiga Mr.Erdoğan kaasoo kulan deg deg ah la yeelanaayay Golahiisa Amaanka 13-kii May.

15-kii Bishaan May waxaa 5-Xabadood lagu weeraray Ra’iisul wasaaraha Slovakia Mr.Robert Fico kaasoo 4-ka xabadahaasi ay qeybo jirkiisa ka mid ah ku dhaceen xili uu booqnaayay Degaan ka tirsan Dalkaasi, Qaliin lagu sameeyay ayaa lagu guuleystay inkastoo uu weli ku jiro Isbitaalka xaaladiisa Caafimaadna lagu tilmaamay mid Halis ah.

16-kii Bishaan May ayaa la xiray Eedeysane u dhashay Dalka Serbia kaasoo qorsheeyay inuu Dilo Madaxweynaha Dalkaasi, ku darsoo Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa la dhigay Isbitaal markii 2-aad 4-Tiodobaad gudahood, iyadoo shalay 19-kii May la khaarjiyay Madaxweynaha Dalka Iran iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibeda kadib markii diyaaradii Helicopter aheyd ay ku burburtay Dhul buuroley ah ee Dalkaasi, iyadoo ay ka horeysay Diyaarad kuwa Ciidamada USA ay ka degtay Caasimada Azerbaijan taasoo tuhunka sii xoojineysa.

327650cookie-checkMaxaa Kordhiyay Bishaan May Iskuyo Dilalka Madax Dal & Cidda Lagu Tuhmaayo iney ka Dambeeyaan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com