Hey’adaha Amaanka Turkiga oo Gacanta ku Dhigay Lacago US$ oo Been abuur ah..

Africa News World

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay Xoogaga Amaanka Turkiga ayaa magaalada Istanbul ku qabtay lacag dhan 1-bilyan oo US$ oo faalso ah, waxaana sidoo kale la xiray 6-Qof oo ku lug lahaa howlgalkaasi, kuwaasoo mid ka mid ah u dhashay Dalka Ghana iyo saddex qof oo Swedish ah, sida uu sheegay xafiiska Gudoomiyaha Gobolka…

Wararka ayaa sheegay Ciidamada Boliiska Dableyda ayaa Dadkaan ku raad-joogay in muudo ah, iyadoo markii dambe ay kasoo qabteen goob Bakhaar ah oo ku taala Degmada Kagithane ee magaalada Istanbul, halkaasoo ay ku qabteen lacagta boqob-boqolka dollar ah ee been-abuurka ah ee loogu talagalay in loo diro dalalka Afrika.

Eedeysanayaasha ayaa la baaray guryihii ay degenaayeen, waxaana laga qaatay lacagihii iyo agabkii ay wateen, Qunsuliyada Sweden iyo Ghana ayaa la ogeysiiyay qabashada Eedeysanayaasha, Falkan been abuurka ah ayaa ahaa kii ugu weynaa ee taariikhda Dalka Turkiga, sida uu sheegay xafiiska guddoomiyaha Gobolka.

260170cookie-checkHey’adaha Amaanka Turkiga oo Gacanta ku Dhigay Lacago US$ oo Been abuur ah..