China Oo lagu Eedeenayo iney Jabsadeen Computero Shirkado iyo Hey’ado..

World

Shirkad qaabilsan Amaanka Computer-da oo laga leeyahay Mareykanka oo lagu magcaabo Mandiant ayaa sheegtay in kooxo abaabulan oo taageero ka helaya Dowlada Shiinuhu iney jabsadeen aaladaha computer-ada ee boqollaal shirkadood oo caalamka oo dhan ku kala yaala, kuwaasoo ay ku jiraan, Hay’ado dawli ah iyo kuwo gaar loo leeyahay…

In ku dhow 30% Computer-da la jabsaday waxaa iska leh Dawlado kala duwan oo caalamka ah, kuwaasoo ay ku jiraan wasaarado arrima debedeed oo hayey shaqooyin muhiima, Charles Carmal oo ah madaxa farsamada ee shirkadda Mandiant ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay, basaasnimadii ugu ballaadhnayd ee dhinaca Internetka ee ay qaaddo dawladda Shiinuhu, waxaana tallaabadan la fuliyey horraantii sannadkii 2021.

Computer-da loo dhacay ayaa gaaraya, tobanaan kun oo computer, Shirkadda ayaa sheegtay in farsamooyinka loo adeegsaday in loo dhaco aaladaha computer-adan, inay sabab u ahayd, ka dib markii kooxdani ka warheshay, in qaar ka mida cinwaanada email-ada ee laga isticmaalo dunidu, inay leeyihiin, meelo sahlan oo ay fududahay in loo dhaco cidda adeegsanaysa ama computer-ada lagu isticmaalayo.

Xogtan ayaa tilmaamaysa in Computer-da ay ku kala yaaliin a 55% Ameerica, halka 22% ay ku yaalliin Asia, 24% Yurub, Bariga dhexe iyo Africa, Kooxahan wax basaasaya ayaa fariimo emailo ah u diray hay’adaha iyo wasaaradaha ay bartilmaameedsadeen. Markasta oo fariintaas la furona, waxay awood u yeesheen inay si qarsoon u xadi karaan macluumaadka ku kaydsan.

261060cookie-checkChina Oo lagu Eedeenayo iney Jabsadeen Computero Shirkado iyo Hey’ado..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com