Maxaa Laga Macaashay Duulaankii Degaanka Guricel

Somalia news

Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Guriceel ee Gobolka Galguduud, waxaa ka socday dagaal sokeeye Oo geystay khasaarihii xoogan una dhaxeeyey ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Xoogaga Ahlu Suna Walajmeeca, waxaana muuqatay in dagaalkaas uu galaaftay nolosha Xubno sare oo ka tirsanaa labada dhinacba…

Hadaba, Dagaalka khasaaraha balaaran iyo burburka dhaliyay, ayaan natiijo laga gaarin, iyadoo ay soo baxaya durbadiiba walaac laga qabi karo in Xoogaga Suufiyada horey ugu soo duushay magaaladan bishan Bilowgeedii ay markale soo laaban karaan, hadii aan dib u heshiisiin dhab ah laga bilaabin degaanka.

Xoogaga Ahlu Sunnah oo horey uga asaasantay 10 sanno kahor Guriceel & Dhuusa-Mareeb, kana mid ahaa kooxihii dagaalka ku jebiyay Kooxda argagixisada Shababka, ayaa la sheegay in Maamulada Fashilmay Ee Farmaajo iyo kan Taagta daran Ee Qorqor ay dhegaha ka fureysteen baaqyadii ay soo jeediyeen Hogaanka Kooxdaan, iyagoo sidoo kale uga baxay balanqaadyo iyo 3-heshiis Oo ay horey ula galeen.

Xoogaga Ahlu Sunnah ayaa la sheegay iney dhowr fariisin ka sameysteen hareeraha Magaalooyinka Dhuusa mareeb iyo Guricel, diyaarna u ah iney soo rogaal celiyaan, hadii aan xal deg deg ah laga gaarin heshiisyadii looga baxay, inkastoo Farmaajo iyo Qorqor qorshahoodii xoog wax ku raadinta uu la kulmay iska caabin xoogan khasaare balaaran gaarsiyay Ciidamadii 4-tii sano la soo dhisaayay, wadada u furan ayaa ah iney Wada hadal ku dhameeyaan Khilaafka taagan.

148020cookie-checkMaxaa Laga Macaashay Duulaankii Degaanka Guricel