Boliiska Aduunka Qaarkood Oo Ka Sameeyay Howlgalo Wadajir ah

World

Howlgalo ay si wadajir ah u qaadeen Boliiska wadamo kala duwan oo caalamka ah ayaa lagu soo qabtay 150 Eedaysanayaal ah kuwaasoo lagu eedeeyay iney ku lug lahaayeen Ganacsiga iyo iibinta waxyaabaha sharci darada ah ee Internetka, hawlgalkan ayaa sidoo kale lagu qabtay mid ka mid ah daroogada xashiishka abid ugu badnaa oo lagu gadi jiray shabakadaha internetka ee qarsoon (Dark web)..

Hawlgalkan oo loogu magacdaray (DarkHunTOR) ayaa sidoo kale gacanta lagu dhigay lacag malaayiin Yuuro ah iyo Bitcoin, mukhaadaraad badan iyo waliba hub, Sida ay sheegeen Boliiska Europe, Howlgaladaan ayaa noqday kuwo ay dalal badan Boliiskoodu iskaashi ka sameeyeen kuna guuleysteen iney soo qabtaan Shabakadaha Dembiyada abaabulan.

Boliiska Maraykanka oo hawlgalkan ka qeyb qaatay ayaa dalkooda ku qabtay 65 qof, halka 47 lagu hayo dalka Germany, 24 eedeysane ayaa lagu xiray iyagana dalka UK, Talyaaniga ayaa iyaguna xiray 4 qof, waxaa sidoo kale jira dad lagu xiray wadanka Netherlands (Holland) iyo wadamo kale.

147980cookie-checkBoliiska Aduunka Qaarkood Oo Ka Sameeyay Howlgalo Wadajir ah