Amaanka Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo La Xoojiyay

Somalia news

Warbixino hordhaca ah oo laga helay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in la diyaariyay qorshe lagu dhibaateynaayo Amaanka Gudoomiyaha Aqalka Sare Mr.Cabdi Xaashi, iyadoo shirqoolkaan laga soo maleegay Villa Somalia iyo Xarunta NISA..

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay, Qorshahaan ay isla meel dhigeen Mr.Farmaajo iyo Adeege Fahad, waxaana la sheegay tiro Qas-wadayaal ka tirsan Xoogaga CBB iyo Kuwo kale ee Wadaniyiinta loo xil saaray iney carqaladeen Amaanka Gudoomiyaha Aqalka Sare, kadib markii uu ka hor yimid damaca waalida ah ee Mr.Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in la xoojiyay Amaanka Gudoomiyaha, iyadoo sidoo kale Ilaalo hubeysan lagu kordhiyay Amaankiisa, waxaana lagu wargeliyay Ciidamada Amisom iney la socodaan dhaqdhaqaaqyada Amaan ee Gudoomiyaha iyo Xarunta Aqalka Sare ee ku dhow Xarunta NISA.

43820cookie-checkAmaanka Gudoomiyaha Aqalka Sare Oo La Xoojiyay