Maxaa Xiligaan Dib u Nooleeyay Khilaafka u Dhaxeeya Xoogaga PMPF & PIS ee Puntland…

Security Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Afduubyo ka kala dhacay Magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso ay ku lug leeyihiin Xoogaga Hubeysan ee ka amar qaata Madaxtooyada Puntland, iyadoo la xaqiijiyay iney falal isku day iyo Mid afduub ay geysteen Xoogaga Xubno ka soo jeeda Beelaha Bah-dir…

Wararka ayaa sheegaya in Xoogag hubeysan ay isku dayeen iney ka afduubtaan Doraad salaadii subax kadib Oday Ilmi Diano adeer ugu aadan oo xiligaaasi Masaajidka ka soi baxay inkastoo uu Falkaasi Fashilmay hadana waxaa la xaqiijiyay in Magaalada Qardho laga afduubtay Maamulka Xawaalada Amal Mr.Yuusuf Salaad Maxamuud (Yuusuf Dheere) kaasoo saacado kooban ay afduubteen Xoogaga PMFP ee ka amar qaata Mr.Deni, iyadoo xaafadaha ku xeeran Dekeda Boosaaso ay dhinacyada Dadka Rayidka lagu amray iney ka guuraan xeyndaabka Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha, iyadoo Hey’ada PST ay soo saareen Qoraal Dadka looga digaayo Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

Wararka ayaa sheegaya in Yuusuf Dheere oo ay isku hayb yihiin Agaasimaha PSF Maxamuud Cismaan Diyaano waxa la sheegay iney af-duubteen dabley hubaysan oo ka tirsan ehelka Eng Cabdirashiid Yaasiin Nuur (Geesood) oo heyb wadaag hoose yihiin Mr.Deni kaasoo xalay Ciidanka PSF ku af-duubteen Boosaaso, inkastoo uu xoriyadiisa dib u helay kadib waan waan laga dhex sameeyay labada dhinac, wuxuuna ka shaqeynaayay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

Xiisadahaan ayaa salka ku heysa colaada gaamurtay ee u dhaxeysa Jufooyinka Bah-dir iyo Bah-Dhulbahante ee Beesha Cusmaan Maxamuud, iyadoo ay kasoo bilaabayay dagaalo lagu hoobtay oo labada Jufo ku dhex maray magaalada Boosaaso oo ilaa haatan magaalada Khad cagaaran uu ka hirgalay, ku darsoo Xoogaga PST ayaa Fariisin ay ku lahaayeen Magaalada Xaafuun ka horjoogsaday in Deni uu geeyo Xoogag calooshood u shaqeystayaal ah UAE ay dooneysay iney Farsiimo ka dhigtaan Degaankaasi.

342810cookie-checkMaxaa Xiligaan Dib u Nooleeyay Khilaafka u Dhaxeeya Xoogaga PMPF & PIS ee Puntland…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *