Ma Dhabaa in Hey’adda Save Children Laga Joojiyay Howlihii Samafalka Puntland & Sababta..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Maamulka muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay ee Puntland uu soo saaray amaro shaqada looga joojinaayo Hey’adda Samafalka Caruurta ee (Save the Children International), kadib markii lagu eedeeyay iney faro gashteen Khilaafka ka dhashay Doorashada..

Xogtadn ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Maamulka Deni ayaa ku eedeeysy Mas’uuliyiinta Hey’adda Save ku eedeeyay iney Hey’addu maamusho mashaariic dhaqaale oo gaaraya Sanadkii $30-millions oo degaanada Puntland, waxaana xiligaan waday $17-Milyan oo Waxbarashada la gelinayo, waana midaas mida Deni taakada uu saaray oo uu rabo inuu uga badasho iney ka joojiyaan Olalaha Kursi doonka, wuxuuna Ciyaartiiba gaarsiiyay guud ahaan Shaqadii Puntland ay ka hayeen in la hakiyo.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Maamulka Dani xiligaan baahi dhaqaale heysta ayaa la sheegay in Mas’uuliyiinta Hey’adda Save bixiyaan dhaqaale baad ah iyo Saami laga siiyo Shaqaalaha Hey’ada Taageerayaasha Xisbiga Deni, iyagoo ku eedeeyay In He’yadda ay ku milantay Siyaasada ayna maamulaan Kooxda Aaran jaan.

285680cookie-checkMa Dhabaa in Hey’adda Save Children Laga Joojiyay Howlihii Samafalka Puntland & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com