Share the post "Maxaa Xiligaan Keenay Kala Daadashada Howlgalada Ciidamada & Guuldarooyinka.."
Kadib qabsashadii Degmada Aadan Yabaal ee Maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo qabsashadaasi ay soo dedejisay kala daadashada Ciidamada Dowlada Federaalka, Eedana lagu sababeeyay Xulasho xumida iyo Istraateejiyad la’aanta Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia oo muddo 3-sano ku dhex kufay Qorshaha Habeynta Ciidamada..
Xuuraano loo qaateen ah ayaa tilmasmaya in Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo xiliga qabsaahada Degmada ku sugnaa cagahiisana ku baxsaday ayaa looga yeeray Villa Somalia, dood dheer kadibna uu gudbiyay is-casilaadiisa Xilka Taliyaha, bacdamaa Degmadii isaga iyo Madaxweynaha ka soo wada jeedeen ay qabsadeen Maleeshiyaad uu Horboodaayo Horjooge Kabo-ku-tukade.
Sareeyahaan Da’da yar ee derejada loo miisay ayaa xilka laga qaaday bishii Juun 23-kii, waxaana dib loogu soo celiyay bishii Novemvar 24-tii, maadama uu jiro fashil dhanka dagaal gelinta Ciidamada oo Hogaanka Villa Somalia uu qeyb ka yahay kadib xulasha xumida iyo inuu isaga si toos uu u maamulo Saadka & Saanada Ciidamada una dhiibtay Ehelkiisa, ku darsoo Taliyayaasha Ururada Ciidamada waxey weli ka amar qaataan Wasiirkii hore ee Gaashandhigga oo dhaqaale siin jiray.
Qabsashada Degmada Aadan Yabaal kaliyah ma dhalin khasaaryooin nafeed ee tiro badan oo Saraakiil, Ciidamo & Hub intii Howlgalkaan uu bilaabay Madaxweynaha fashilmay waxeyna ku qasbanaadeen iney ka baxaan bacdamaa dhowr jiho laga soo weeraray, Maleeshiyaadka Shababka ayaa sheegtay in 20-Tuulo & Degmada Aadan yabaal ay qabsadeen, haddana waxey qorsheynayaan iney qabaadaan Degmooyinka Ceel dheer oo xiligasn go’doon ah iyo Degmada Cadale.