Wasiirka Gaashandhigga Oo Ku Amray Taliyaha Xoogga Dalka…

Somalia news

Qoraal uu soo saaray Wasiirka Gaashandhigga loona diray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, ayaa waxaa looga dalbaday in loo yeero Ilaa Shan Sarkaal Ciidan oo lagu tuhmayo dhacdadii 27 December ee ahaa isku daygii la damacsanaa in lagula wareego Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha…

Saraakiishan ayaa waxa ku jira Taliyaha Guutada 77aad iyo Abaanduulaha Guutada ee Koofiyo casta Ilaalada Madaxtooyada, Guddiga baaritaanka ayaa waday su’aalo weydiin iyo xog uruurin la xiriira qaabkii ay wax u dhaceen iyo cida soo agaasintay.

Taliyaha xoogga ayaa laga codsaday in Saraakiishan in maalinta sabtida ah oo taariikhda tahay 8 Janaayo, saacadda 10:00 barqanimo ay yimaadaan Xafiiska Wasiiro Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, si ay ula kulmaan guddiga baaritaanka uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha.

160400cookie-checkWasiirka Gaashandhigga Oo Ku Amray Taliyaha Xoogga Dalka…