Sirdoonka Ethiopia Oo Qabtay Koox Ka tirsan Argagixsiada Shababka

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Ciidamada Nabadsugida Ethiopia (NISS), kuwaasoo ku soo qab-qabtay xubno lagu tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin Kooxda Argagixisada Shababka kuwaasoo qorsheeynayay iney weeraro ka fuliyaan gudaha Dalka Ethiopia…

Wararka ayaa sheegay in Ciidamada Hey’adda Sirdoonka Ethiopia (NISS) ay gacanta ku soo dhigeen 34-xubnood oo lagu tuhmaayo iney xiriir la leeyihiin Kooxda Argagisixada Shababka,kuwaasoo qorsheynaayay iney weeraro iyo qaraxyo ka fulin rabay magaalada Addis abeba, degaano ka tisan Maamulada Oromia iyo Kan Somalida.

Saraakiisha Hey’adda ayaa sheegtay in kooxahaan oo ka faa’iideysanaaya Bisha Ramadan & xafalada Christian Orthodox Easter Soonka, ayaa dejiyay iney weeraro & qaraxyo ka fuliyaan degaanada kor ku xusan, waxaana la sheegay in dhamaan la soo qabtay kooxdaan & qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen.

Kooxda Shababka ayaa inta badan Howlgaladooda argagixisinmo waxey ka fuliyaan Dalalka Kenya & Somalia inkastoo dalalka kale sida Uganda ay ku leeyihiin unguyo suuxsan (Cell sleep) markii loo baahdna si fudud loo howlgeliyo.

184690cookie-checkSirdoonka Ethiopia Oo Qabtay Koox Ka tirsan Argagixsiada Shababka