Maxaa Xiligaan Keenay Khilaafka Ka Dhex Jira Madaxda Hir-Shabelle

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle Oo dhinac ah iyo Kuxigeenkiisa oo uu qaab qabiil ula saftay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Khilaafkaan ayaa la sheegay iney ka dambeeyaan Farmaajo & Fahad…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Khilaafkaan uu soo shaac baxay kadib markii Kulan uusan qeyb ka aheyn Mr.Cali Guudlaawe laga Qabanqaabiyay Villa Somalia, iyadoo looga dooday sidii loo boobi lahaa 25-Kursi ee Magaalada B/weyne loo qondeeyay in lagu qabo Xulashada Xildhibaanada Golaha Shacbiga, Kulankaan ayaa laga qariyay Madaxweynaha Hir-Shabelle.

Wararka ayaa sheegay in Farmaajo iyo Fahad ay heshiis hordhac ah iyo bixinta balanqaadyo been ah u sameeyeen Mr.Dabageed iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan, iyadoo la sheegay in Dhaqaale hordhac ah, Saraakiil, Ciidamo xoojin ah iyo Gaadiid dagaal laga dejiyay Magaalada B/weyne, Kulankaan ayaa la sheegay iney u dhaceen si kala gooni ah oo la kala qariyay labada Shaqsi.

Mr.Cali Guudlaawe ayaa aad uga carooday talaabada ay qaadeen Mr.Dabageed iyo Mr.Jeyte, iyo heshiisyada ay la gaareen Farmaajo iyo Fahad, waxaana la sheegay Mr.Jeyte ayaan ka garaabin qaladka uu ku kacay, wuxuuna ku adkeystay inuu heshiiskaasi fulin doono, Talaabadaan ayaa u mid culeys cusub ku soo kordhin doonta Xiisada ka taagan Magaalada B/Weyne, Iyadoo la sheegay in Farmaajo iyo Fahad ay aad u saluugeen Sida uu Mr.Guudlaawe u maareeyay Qabashada Xulashada Senatorada Aqalka Sare.

153990cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Khilaafka Ka Dhex Jira Madaxda Hir-Shabelle