Qarax Miino Oo Dhacay Wadada Dhuusa mareeb Iyo Gurcel

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Qarax la la beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasoo xiligaasi maraayay inta u dhaxeysa degaanka Guricel iyo Degmada Dhuusa mareeb Ee Gobolka Galguduud…..

Warar hordhaca ah ayaa ka soo baxayaan khasaare soo gaaray Ciidamadaan, iyadoo qaraxa la sheegay inuu ahaa Miinada Wadada hareeraheeda lagu aasay, Inkastoo aysan jirin cid ilaa hadda si rasmi ah uga hadashay qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay haddana dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay arkayeen gaadiidka dowladda oo miino la kacday.

Magaalada Dhuusa mareeb ayaa la sheegay iney ku wada sugan yihiin Taliyayaasha Ciidamada Boliiska iyo Xoogga Dalka kuwaasoo qorshayaal aan la cayimin ka wada Magaalada Dhuusa mareeb, waana markii ugu horeysay ee wadadaasi miino la geliyay tan iyo intii lagala wareegay Maamulka Gobolka G/guduud Xoogaga Suufiyada.

69580cookie-checkQarax Miino Oo Dhacay Wadada Dhuusa mareeb Iyo Gurcel