Ma Dhabaa in Aqlka Congress-ka USA uu Diyaariyay Warbixin Daaha ka rogeysa Maamulada & Qabaa’iilada Diidan Dagaalka Shababka..

Somalia news

Macluumaad hordhac ayaa laga helayaa Qoraal qabyo ah ku saabsan warbixintii Congress-ka Mareykanka loo gudbiyay soona diyaariyeen Hey’adaha Sirdoonka kuna saabsan dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada Shabaabka ee ee Dowlada Federaalka ka wado Gobolada Qaarkood..

Warbixintaan ayaa tilmaamtay in Qabaa’ilka Hawiye ay gacan ka siiyeen Dowladda Federaalka abaabulka iyo la-dagaalanka kooxda argagixisada Shabaabka, Halka Beelaha Daarood oo ka arrimiyo Gobolada Puntland & Jubaland ay ka gaabiyeen iney kaalintooda ka qaataan dagaal ka dhan ah kooxda shabaabka.

Xogtaan ayaa waxey hoosta ka xariiqday qaar ka mid ah sababaha Madaxweynaha Somalia uu kaalmo Ciidan weydistay Dalalka safka hore ee Somalia, sida Kenya, Ethiopia iyo Djibouti ay salka ku heyso si loo fuliyo qorshaha Wajiga 2aad ee ah lagana bilaabo Degaanada Konfur galbeed iyo degaanada harsan ee Galmudug iyo Hirshabelle.

Waxaa la sheegay in Degaanada Jubbaland gaar ahaan Beelaha Mareexaan & Ogaaden ay isku khilaafeen cidda maamuli doonta Kismaayo iyo xaqiiqda ah in Jubaland iyo Puntland aysan diyaar xiligaan u ahayn iney ka qeyb qaataan Dagaalka wajigiisa 2-aad.

Waxaase xiiso leh in Congress-ka Maraykanku uu ku qiray warbixintaan in la’aanteed abaabulka Beelaha Hawiye oo in ka badan 215 goobood ka xoreeyey kooxda Shabaabka in aanay DFS ku guulaysan wejiga koowaad, taasoo ka duwan sida ay NGO-yada iyo siyaasiyiinta Daarood uga soo horjeedaan abaabulka Beelaha.

Dagaalka lagu la jiro kooxda Shabaabka 3 Qolo ha lagu daro:-

-Shacabka ku nool Degaanada Shabaabku haystay mudda dheer ee la-MASKAXDOORIYAY (brainwash), Dadkaan sida laga filan karo waxaa ka buuxa dad Shabaab caqiiddo ahaan la dhacsan, sidaa daraaddeed waa in dhaqancelin lagu sameeyo inta ka horraysayna waa in il gaar ah loo yeesho oo dhaqdhaqaaqooda la xadido ilaa la diwaangelinayo lagana aqoonsanyo qof qof iyo qoys qoys.

-Wadaada Shabaabka ee soo saara kutubta argagaxa iyo nacaybka Masaajidda ka akhriya, Kuwani waa warshad wayn oo maalin walba soo saarta kumannaan argagixiye nacayb la cartamaya, Runtii inta warshadahani furan yihiin dagaalka Shabaabku lagu la jiraahi waa riwaayad si xun loo jilayo.

-Qeybta 3-aad, waa Kooxaha Abaabula Dagaalada qabiillada & Maleeshiyaadka u dagaalama, Qeybshaan waa cadow kale oo Shabaab kalkaal ah si toos ah iyo si dadbanna.

267150cookie-checkMa Dhabaa in Aqlka Congress-ka USA uu Diyaariyay Warbixin Daaha ka rogeysa Maamulada & Qabaa’iilada Diidan Dagaalka Shababka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com