Maxaabiis Soomaali ah oo ku Geeriyootay Duqeyn USA Military ka fuliyern Xabsigii ku yaala Yemen..

Somalia news World

Macluumaad dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Duqeyn oo Ciidamada Cirka Ee Mareykanka ka geysteen Dalka Yemen laguna qaaday Xabsi ay maamulaan Xoogaga Xuutiyiinta oo laguna haayay Tahriibayaal Afrikaan ah oo ay ku jireen Soomaali…

Wararka ayaa sheegaya in Duqeyntaasi markii ay dhacday Dadkii goobta tagay waxaa ka mid ahaa Ibrahim Cabdulqaadir Macallin oo kamid ah Soomaalida ku nool dalka Yemen waxaana uu sheegay in khasaare xoogan uu kusoo arkay Xabsigii la duqeeyay, “Dadka dhintay waa 90, dadka dhaawaca waa 25, Soomaalida waxaa la leeyahay 3 ilaa 4 qof ayaa ku jirtay laakin ilaa hadda xaqiiqdooda ma hayno” ayuu yiri.

Ururka difaaca madaniga ah ayaa sheegay in 68-Qof ay ku dhinteen waxaana dhaawacyo kala heer ah ka soo gaaray Muhaajiriin tiradoodu lagu sheegay 47-Qof weerarka, iyadoo Maamulka Xuutiyiinta ay sheegeen in ilaa 115 muhaajiriin ah lagu hayey goobta ku taal Gobolka Sacda ee Waqooyiga Yemen, Ciidamada Mareykanka ayaan weli ka hadlin.

370240cookie-checkMaxaabiis Soomaali ah oo ku Geeriyootay Duqeyn USA Military ka fuliyern Xabsigii ku yaala Yemen..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *