Ma Dhabaa in Madaxweynaha uu Qodobo Xasaasi ah kala Hadlay Madaxda Maamulada ee 3-Gobol..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan uu Madaxweynaha Dowlada Federaalka xalay kula yeeshay Madaxweynayaasha Maamulada Konfur Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug oo maalmahan Muqdisho ku sugnaa, wuxuuna kala halay khikaafka Kala dhaxeeya Saciid Daniga Puntland..

Xogtaan ayaa xaqiijisay in kulankaasi looga dooday sidii ay deg deg ugu bixi lahaayeen safarkooda Magaalada Garoowe, si ay usoo dhageystaan taabshada Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni, si loogu qanciyo inuu goobjoog ka noqdo shirka bartamahan bishan ay madaxda maamulada iyo kuwa dowladda ku yeelanayaan magaalada Dhuusa-Mareeb.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu Shirkaasi muhiimad gaara u leeyahay iney soo wada xaadiraan dhamaan Madaxda Maamulada, maadaama diirada lagu saarayo Doorashooyinka 2026-ka nooca ay u dhacayaan.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Ergadan in ay daacad ka noqdaan safarkooda Garoowe, oo aysan laftirkooda fikirkooda hadda isbedelin, taasoo xoojinaysa shakiga ah in madaxda dawlad gobaleedyada ay xiriirsan yihiin, oo ay qabaan qaar kamid ah kooxda Damu jadiid/Daljir ee Madaxweyne Xassan Sheekh.

254370cookie-checkMa Dhabaa in Madaxweynaha uu Qodobo Xasaasi ah kala Hadlay Madaxda Maamulada ee 3-Gobol..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com