Maxey Tahay Cabsida soo Wajahday Maamulada Gobolada ee Bixiya Shatiyada Kaluumeysiga..

Somalia news

Tan iyi markii heshiiska Amaan ee Turkiga & Somalia wada saxiixdeen ayaa waxaa soo shaac baxaaya cabsi iyo welwel ay qabaan Maamulada Gobolada ee bixiya Shatiyada Kaluumeysiga gaar ahaan Maamulada Jubbaland, Puntland iyo Somaliland kuwaasoo shirkado Kaluumeysi iyo Dowlado u saxiixay iney ka jilaabtaan xeebaha…

Xuuraano laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Dowladda Federaalka ay oggolaatay in ilaa 4-Saldhigg oo Ciidamo Badeed ay ka dhisaan Turkiga Xeebaha Dalka gaar ahaan Degmooyinka Las qoray, Hobyo, Baraawe iyo Kismaayo, Saldhigyadaan ayaa la sheegay iney ku wehlin doonaan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa diidmo cad kala horyimid qorshaha cusub ee Saldhigyada Ciidamada Badda ee Turkiga, waxeyna uga digeen ineysan xeebaha ay ka taliyaan aysan imaan karin, iyagoo wacad ku maray iney la dagaalami doonaan, inkastoo aan la ogeyn qorshaha ay wataan.

Ilo wareedyo ayaa daaha ka rogaaya in Dowladda UAE oo Maamusha Dekdaha Berbera iyo Boosaaso ayaa la xaqiijiyay iney diidan tahay in Ciidamada Turkiga ay Fariisin ka dhistaan magaalada Las qoray, iyagoo culeys ku saaray Maamulka Puntland in loo oggolaado iney Saldhiig Ciidan ka dhistaan Magaalada Xaafuun ee Gobolka Bari.

325270cookie-checkMaxey Tahay Cabsida soo Wajahday Maamulada Gobolada ee Bixiya Shatiyada Kaluumeysiga..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com