Ma Dhabaa in Fahad Uu Qorsheystay inuu Mulkiile ka Noqdo Maamulka Cusub

Somalia news

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Farmaajo iyo Fahad Yasin ay qorsheysteen iney xoogooda isugu geeyasn sidii ay u saari lahayeen Musharrax Xasan Cali Khayre oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Dalka…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Kooxdaan (Farmaajo & Fahad) ay dadaal badan ku bixinayaan sidii Xildhibaanada taageersan codkooda u siin lahaayeen Musharrax Xasan Cali Khayre kadib markii ay yaraatay rajada dib loogu dooran karo Farmaajo.

Khubarada Arrimaha gudaha Somalia ayaa isku raacsan in Mr.Kheyre uu u janjeero dhanka Kali-talisnimada, iyadoo Maanka Shacbka uusan weli ka meyrmin maalintii uu u khubeeyay Dhalinyaro Ciidamo la soi uruuriyay una bixiyay ”Haramcad”, waxaana la xasuustaa in Maalintaasi si isla weyni ku jirto ugu amray Askari Ciidamadaasi ka tirsan inuu ka baxo goobta.

Fahad Yaasiin ayaa aaminsan inuu mar kale mulkiile ka noqon doono dowladda cusub haddii Xasan Cali Khayre ku guulaysto xilka madaxweynaha Somalia, waana ayaan darro in Dalkaan dib loogu celiyo 5-tii sano la dhaafay ee khasaartay.

186150cookie-checkMa Dhabaa in Fahad Uu Qorsheystay inuu Mulkiile ka Noqdo Maamulka Cusub