Kooxda Shabaabka Oo Shaacisay ineysan Wada hadal la geli doonin Dowladda Federaalka

Somalia news

Maleeshiyaadka Argagixisada Shababka ayaa sheegay ineysan marnaba wax wada hadal ah la gali doonin Dowladda Federaalka, taas bedddelkeedna ay qorshaynayaan inay xoog kula wareegayaan xukunka Dalka…

Horjoogaha kuxigeenka ka ah Kooxdaan laguna magacaabo Mahad Maxamed Warsame (Karatee), ayaa hadalkaan sheegay, kadib markii wareysigii ugu horreeyay uu siiyay warbaahinta Channel 4 ee laga leeyahay UK, “Anagga sideedaba nimankan dowlad kama aaminsanin, Cumuumana cid kasta oo ay shareecada ilaaheey noo diiday inaan la hadalno, la hadli mayno. Ciddii ilaaheey shareecaddiisa noo banaysay inaan la hadalno, waan la hadlaynaa,”ayuu yiri.

Dhawaan Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay inuu wada hadal la furidoono Alshabaab, kadib marka ay dowladdiisa hoos u dhigto awoodda ay kooxdu haatan leedahay, Horjeege Mahad Karate oo Maraykanku uu dul dhigay 5-Million US$, ayaa sheegay inaysan dowlad ka aaminsanayn dowladda ee hadda ka jirta, wuxuuna sida uu aaminsan yahay sheegay inaysan wada hadal la galayn dowlad kasoo horjeeda shareecadda Islaamka.

195150cookie-checkKooxda Shabaabka Oo Shaacisay ineysan Wada hadal la geli doonin Dowladda Federaalka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com