Meheradihii Ganacsiga Boosaaso Oo Xiray & Sababta ka Dambeysa..

Business Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari Puntland ayaa xiran maalintii 2-aad meheradihii Ganacsiga, waxeyna cabasho ka keeneen in Maamulka uu ku soo rogay canshuur kordhin macaash-macaashka ee laga qaadi jiray xarumahooda ganacsiga…

Ganacsatada Boosaaso ayaa sheegaya iney ka cabanayaan wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kordhin ku samaysay canshuurta macaash-macaashka ee laga qaadi jiray xarumahooda ganacsiga, Mid kamid ah ganacsatada  Boosaaso ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in wasaaraddu kordhin ku samaysay canshuurta macaashmaashka oo bishii joogta looga qaadi jiray $19 hadana loo sheegay in ay bixiyaan lacag dhan $59 doollar taasi oo farqiga u dhexeeya uu yahay $40.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda oo Ganacsatada qaybtood la kulmeen ayaa loogu goodiyey iney Canshuurta bixiyaan ayna Meheradaha furaan haday taas sameyn waayaan waxaa loo sheegay iney xabsiyada la dhigi doono, waana arin walaac xoogan ku abuurtay ganacsatada.

340180cookie-checkMeheradihii Ganacsiga Boosaaso Oo Xiray & Sababta ka Dambeysa..