Xoogaga Amaanka Somaliland Oo Afduubtay Maamule Dugsi ee Magaalada Burco..

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Afduub loo geystay Wadaadka Sheikh Dr Mohamud Xasan oo loo yaqaan (Macalin Mumin) kana soo jeeda Beesha Ogaadeen kaasoo ku dhawaad 25 sano ku noolaa Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, waxaana falkaasi ka dambeeya Xoogaga Sirdoonka ee Somaliland…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegata in muddo 2-Todobaad oo lagu mashquulsanaa raadinta Wadaadka, iyadoo aan la garanaynin meel la geeyay iyo wax lagu haysto toona ayuu ka soo muuqday Maxkamada ciidamada ee magaalada Hargeysa, sida qoyskiisa loo sheegay, iyadoo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay kooxaha dagaalada ka wada Gobolka Sool iyo kuwa Argagixisada, inkastoo asm caddeyn loo heynin, balse loo xiray Beesha uu ka soo jeedo.

Macalin Mumin, wuxu Burco ka ahaa Maamule Dugsi Qoyskiisuna halkaas ayuu deganaa muddo dheer ka hor intaanay iskaga qixin markii uu dhacay dagaalka Laascanood oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka Beesha Daarood kasoo jeeda ee dhex degan magaalooyinia Burco & Hargeysa.

302150cookie-checkXoogaga Amaanka Somaliland Oo Afduubtay Maamule Dugsi ee Magaalada Burco..