Ugu yaraan 28-Meyd oo tahriibayaal ah ayaa laga soo saaray xabaal-wadareed ay ku aasan yihiin saxare ku yaala koonfurta bari ee Dalka Libya, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee dalkaasi, Xabaalaha ayaa laga helay waqooyiga Kufra, maalmo uun kadib markii xabaal wadareed kale oo 19 meyd ah laga helay beer ku taal isla magaaladaasi…
Howlwadeenada ayaa helay xabaalaha ugu dambeeyay kadib weerar lagu qaaday goob dadka lagu tahriibiyo, halkaasoo Mas’uuliyiintu ay ku sii daayeen 76 muhaajiriin ah oo la xiray lana jirdilay, xafiiska xeer ilaaliyaha guud ayaa soo dhigay bartiisa Facebook, Hal Liibiyaan ah iyo laba ajaanib ah ayaa la xiray.
Waxaa xaqiiqo ah in koox burcad ah oo xubnaheedu ay si bareer ah xorriyadda uga qaadeen tahriibayaal si sharci darro ah u soo galay, iyagoo jir dil u geysta, waxayna u geysteen dhibaatooyin naxariis la’aan ah oo xun, oo ceebeyn iyo tacaddi ka dhan ah bini’aadamnimada, Sawirrada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa waxay muujinayaan Hey’adaha Amaanka iyo Kooxaha Mutadawiciinta oo ciidda qodayay ka hor inta aysan maydka gelin bacaha madow.
Tan iyo markii la afgambiyay Hogaamiyihii Libya Mucamar Al-Qadaafi sanadi 2011, dalkaasi waxa uu noqday marin muhiim ah oo ay maraan dadka tahriibayaasha ah ee halista ugu jira saxaraha halista ah iyo marinka badda Mediterranean-ka si ay u gaaraan Yurub.