Dagaalka Abiy & Reer Galbeedka Oo Gaaray Halkii Ugu Hooseeyay

Africa News

Dagaalka u dhaxeeya Wadamada Reer Galbeedka Ee uu hormuudka u yahay Mareykanka & Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa gaaray halkii ugu hooseeyay kadib markii Dalalkaan ay si cad u safteen Jabhada TPLF isla markaasna ku dhiiri geliyeen iney qabasadaan Caasimada Addis abeba..

Dowladaha Reer Galbeedka ayaa ku eedeeyay Mr.Abiy Axmed iyo tiro Dowlado ah Oo taageersan iney muddo qorsheynaayeen Howlgalo Milateri Oo lagu qaado Gobolka Tigray ka hor inta uusan qarxin dagaalka waqooyiga Ethiopia ka socda muddo sanad ah, halka Mareykanka iyo xulafadiisa ay ku dhiiri geliyeen Hogaamiyayaasha Jabhada iney qabsadaan Caasimadda Addis abeba.

Warbixinada ayaa muujinaaya in Hey’adaha Sirdoonada Reer Galbeedka Oo kaashanaaya Hey’adaha UN-ka ay muddo wadeen olole dhan ka ah Kooxda Oromada Ee Abiy hormuudka u yahay, iyagoo diyaariyay Qoraal barabagaan ah oo loogu magac daray “Guuleystaha Billada Nabada (Nobel Peace Price) ee Dhabaha u jeexay dagaalka sokeeye”.

Dowladda Ethiopia ayaa ku eedaysay guddiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, Unesco iyo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO in ay iska indha tireen burburka iyo tacadiyada ay gaystaan falaagada hubaysan ee TPLF oo in ka badan sanad dagaal kula jirta dowladda Ethiopia.

Dalka Ethiopia ayaa haatan wajaheysa Qalalaase dhexdeeda ah ayna hurinayaan Dagaalka Dalalka Reer Galbeedka iyo kuwo xulafo la ah Maamulka Abiy, iyadoo laga cabsi qabo in hadii uu dagaalka sii daba dheeraado in Qaxooti badan ay harqin doonaan Dalalka deriska la ah iyo kuwa Europe, hadii aan si deg deg ah loo joojin Dagaalka isla markaasna dhinacyadaan lagu qasbin iney miiska Wada hadal xal uga gaaraan dhiiga daadanaaya.

156200cookie-checkDagaalka Abiy & Reer Galbeedka Oo Gaaray Halkii Ugu Hooseeyay