Mareykanka Oo 2-Horjooge Oo Shababka Ah Ku Dartay Liiska Argagixisada

Africa News Somalia news

Wasaarada Arrimaha Dibeda USA ayaa Liiska Argagixisada caalamiga ah ku dartay labo ka mid ah Horjoogayaasha Kooxda Shababka Sida lagu qoray Warbixin ay Waaxda Arrimaha Dibeda Soo saartay, waxaa kaloo ku jira xubno kale..

https://www.state.gov/designations-of-isis-mozambique-jnim-and-al-shabaab-leaders/?utm_source=miragenews&utm_medium=miragenews&utm_campaign=news

Warbixintaan ayaa qoray Wasiirka Arrimaha Dibeda USA wuxuuna ku sheegay “waxaan ku dhawaaqayaa Magacaabista 5-Horjooge argagixiso Ee qaarada Africa ka soo jeeda kuwaasoo kala ah:-

-Bonomade Machedu Omar Horjoogaha Waaxda Arrimaha Dibeda iyo Military-ga Ee Kooxda ISIS-ta Mozambique.

-Sidan Ag Hitta Horjoogaha Jama’at Al-Nasr Islam wal Muslim (JNIM) ee Dalka Mali.

-Salem Ould Breihmatt oo ah Horjooge ku takhasusay Farsamada qaraxyada ahna Horjooge Sare oo ka tirsan JNIM Qeybta Burkiina faso.

-Cali Maxamuud Raage alias Cali Dheere Hadal-hayeenka Kooxda argagixisada Shababka.

-Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir (Ikrama) Horjoogaha qeybta qorsheynta.

Waxaa Horjoogayaashaan loo awoonsaday iney yihiin Argagixiso Caalami ah ee gaarka ah, waxaana la saari doonaa Ciqaab iyo Cunaqabateyn adag, iyadoo sidoo sidoo Hey’addaha iyo Shaqsiyaadka la macaamila ama gacan siiya loo aqoonsan doono Argagixiso.

133460cookie-checkMareykanka Oo 2-Horjooge Oo Shababka Ah Ku Dartay Liiska Argagixisada