Mideynta Xoogaga Ururka-Diimeed..

Politics

Maalmahaan dambe Waxaa si hoose xowli ah ugu socday mideynta Xoogaga Ururo-Diimeedyada Al/Islaax iyo Al-Ictisaam kuwaasoo ay garwadeen ka yihiin Guddoomiyaha xarakada Islaax Dr. Cabdiraxman Baadiyow iyo Madaxa Arrimaha Dibadda ee xarakada Ictisaam Faha Yasin.

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in kulamo Iskaashiga oo lagu mideynaayo labada xarako lagu kala qabtay Magaalooyinka Dooxa Nairobi iyo Muqdisho, Dr. Baadiyo ayaa booqasho shan maalmood qaadatay ku tegay magaalada Dooxa ee dalka taasoo loogu raadinayo dhaqaalahii lagu qaban lahaa shir weyne ay isugu yimaadaan labada xarako ee Ictisaam & Islaax.

Kooxda Ictisaam ayaa shirar gogol xaar ah ku qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi sanadkii la soo dhaafay waxaana labada xarako ka go’an in xukunka dalka uusan ka bixin gacanta kooxda Ictisaam iyadoo dhanka kale uu Dr Baadiyow isku arko in haddii ay dhacdo in Farmaajo uu socon waayo uu isaga noqdo musharaxa Fahad Yasin.

Shirka labada Xarako aya lagu wadaa in uu ka dhaco magaalada Muqdisho dabayaaqada bisha Maarso ee sanadkan 2020.

Dowladnimada Soomaaliya aya waxaa tartan dheer ugu jira ururo islaami ah tan iyo markii xukunka uu iska casilay Madaxweynihii dowladda KMG ee lagu soo dhisay dalka Kenya Korneyl Cabdullaahi Yusuf Axmed (AUN).

Sanadkii 2009 ayaa waxaa talada dalka gacanta loo geliyay Sharif Sheekh Axmed oo ka yimid xarakada Al Sheekh oo ah farac ka tirsan kooxda Itixaad, waxaana afar sano kaddib xukunka dalka la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Inkasto uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aanu ka mid ah ahayn ururada Islaamiga ah waxaa haddana ku hareereysnaa kooxda Damul Jadiid.

Musharixiinta Ururada Diimeedyada u taagan iney Horaanta sanadka soo socda tartanka ka qeyb galaan waxey kala yihiin.

Daahir Maxamuud Geelle

Cabdikariin Xuseen Guuleed

Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow

Sharif Sheekh Axmed.

Cali Xaaji Warsame

16840cookie-checkMideynta Xoogaga Ururka-Diimeed..